Sawirro: Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay xukuumaddiisu ku dadaaleyso dhameystirka doorashada socota.

Rooble oo hadal ka jeediyey munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyey dalkaas ayaa waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, si looga gudbo marxaaladd adag iyo xilliga ka guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaday guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay si cafiyaan, kana wada shaqeeyaan horumarka dalka.

“Fikirkiina waan dhageysaneynaa, waxa halkaan kasoo baxa aniga oo ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wixii faaido leh waad igu og tihiin in aan ka qaato, sidoo kale waxa aan rabaa inta halkaan fadhiso ee Soomaalida ah & inta kale maqan in la is cafiyo, Dalkana uu galo Doorasho Xor & Xalaal ah dalkana horay usii socdo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti, isaga oo madaxweynaha dalkaas, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay inuu yahay Aabaha shacabka Soomaaliyeed

“Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo Dowladda & Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweynahooda qaaliga ah Ismaaciil Cumar Geelle, Runtii Madaxweyne Ismaaciil ma aha keliya Madaxweynaha Dowladda Jabuuti waa aabaha shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan qof aan bani aadamka u mahadcelin alle uma mahadceliyo waxa aan Madaxweyne Geelle ugu mahadcelinayaa Dowladnimada maanta aan heysano oo uu u yahay aasaasihii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Jabuuti oo daris iyo walaal la’ah Soomaaliya ayaa door weyn ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyey shirweynihii Carta ee Soomaaliya.

Si kastaba, hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay dood weyn ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii