Sawirro: Shacabka Badhan oo taageeray Dhoobo

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa maanta gaaray degmada Badhan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Shacabka degmada Badhan oo taageero u muujiyey ayaa u soo banaanbaxay soo dhoweynata guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Boqolaal dadweyne ah oo ay qeyb ka yihiin odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland ku soo dhaweeyey halkaasi.

Dhoobo Daareed oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Badhan soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan.

Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen guddoomiye Dhoobo Daareed xildhibaano gaaraya 49 Mudane ayaa wuxuu ku laabtay gobolka  Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedp oo sheegay  inay ka tashan doono aayaheeda Puntland.