Sawirro: Sheekh SHAAKIR oo dalab culus hor-dhigay saraakiisha ciidanka Amisom

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howgala deegaanada maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa Sheekh Shaarkir ku wehlinayey wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf, iyadoona diirada lagu saaray xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan tan magaalada Dhuusamareeb.

Ilo ku dhow shirkaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu Sheekh Shaakir saraakiisha AMISOM oo uu hoggaaminayey isku xiraha AMISOM iyo Galmudug, Kabtan Cabdullaahi Sheekh Xuseen uu ka dalbaday in aysan ku lug yeelan arrimaha siyaasadeed ee maamulka Galmudug, gaar ahaan xiisada u dhexeysa dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulankan lagu soo qaaday arrimaha ammaanka, sida ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay isaga kaashan lahaayeen howlaha amni xaqiijinta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Saraakiisha AMISOM ee madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay qaadan doonaan kaalintooda, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loogu guuleysan lahaa amniga, si loo qabto doorasho xalaal ah oo dhaba cusub u xaartay Galmudug oo loo dhan yahay.

Kulanka ay wada qaateen madaxa xukuumadda Galmudug iyo AMISOM ayaa ku soo aadayaa, iyadoo dhowaanahan xiisad u dhexeysay ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ay ka taagneyd Dhuusamareeb, kadib markii ciidamadu dowladda ay rasaaseeyeen Sheekh Shaakir, walow markii dambe laga heshiiyey xiisadaasi.

Galmudug oo dhowaan galeysa doorasho ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan oo ka dhashay guddiga farsamada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dowladda iyo Ahlu Sunna.