Sawirro: Taliyaha KENYA oo gaaray KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamadda Difaaca Kenya General Samson Mwathethe ayaa booqasho kadis ah ku gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Taliyaha ayaa booqday difaacyada ay Kismaayo kaga sugan yihiin ciidamada Kenya waxa uuna Mr Samson Mwathethe ciidamada ku amaanay howsha ay kawadaan Kismaayo.

Wuxuu sidoo kale ugu hambalyeeyay ciidamada yareynta halista Al-shabaabka ku dhuumaaleysta Kismaayo.
”Al-shabaab waa abeeso aan lasoo dhaweysan karin. aweesadu waxa ay ku nooshahay duurka Al-shabaabna waxa ay ku noolyihiin duurka”

Gen Mwathethe ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in ay ciidamada Kenya ku nuxurka dhow ula shaqeynaya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee ciidamada ugu yaboohay in Hawlgalka Midowga Afrika ee la ujeeddada guud si ay u jabiyaan argagixisada, hubinta Soomaaliya gaadhaan nabad buuxda.
kenya1

Kenya2

kenya3

kenya4

kenya5

kenya6

kenya7