Sawirro: Taliyihii hore ee NISA iyo gawaari xabada ay karin oo gaaray Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu halkaasi gaaray musharax si weyn looga dareemay magaalada oo halkaasi la tegay gaadiid, ciidamo iyo Hub.

Musharraxan oo ah Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa diyaarad gaar ah ka dejisay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana ka sii horeeyay diyaarad xamuul oo geysay 4 Gaari oo kala ah: laba gaari oo aanay xabbadu karin, Toyoto Hilux, iyaduna aanay xabbadu karin, Gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay iyo ciidamo.

Xuseen Uurkuus oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan.

Xuseein waxaa loo galbiyey goob loogu diyaarshay boqolaal qof si uu khudbad uga jeediyo, waxaan halkaas lagu soo bandhigay heeso lagu gubaabinayo xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay doortaan Xussein Osman Xussein, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaano dalka.

Taliye Xussein ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey wuxuuna yiri” Waan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweyntiina qiimaha badan, waxaana qaadan doonaa kulamo kala duwan, anigoo qaybaha bulshada la qaadan doona wada tashiyo ku aadan sidii loo bad baadin lahaa shacabka Koonfur Galbeed, oo dhibaato ka haysto dhanka amniga, dhaqaalaha, maamul xumada, caafimaadka iyo Waxbarashada” ayuu yiri Xusein oo war kooban siiyey shacabkii u la kulmay

Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa Baydhaba gaaray musharax kale oo sidan oo kale hub iyo ciidamo la tegay magaalada, kaasoo ah wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com