Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inuu burburay wadahadalkii kala dhexeeyay maamulka Ahlusuna Waljamaaca.
Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug, Cusmaan Maxamed Cali, ayaa sheegay in wadahadalka uu burburay, waxa uuna tilmaamay inay waayen wax ka socda dhanka Ahlusuna oo ay la hadlaan.
Guddoomiyaha Guddiga Galmudug ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu bur buray wadahadaladii ay la lahaayeen Ahlusuna ee ka socday magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay ka go’neyd in wadahadalka laga soo saaro Natiijo wanaagsan, hayeeshee aanu u muuqan in Ahlusuna ay u jilcantahay midowga labada dhan.
Waxaa uu sheegay iney wax ka socon waayeen dhinaca ahlu suna oo uu xusay iney sabab u yihiin fashilka ku yimid wadahadalka, dowlada Somaliyana ay taas ka warqabto.
“Anagu niyad fiican iyo daacadnimo ayaan la tagnay wadahadalka balse Ahlusuna shuruudo caqliga ka baxsan ayey la yimaadeen Ra’isul wasaaraha dadaal badan ayuu sameeyey balse Ahlusuna wey diiday wax ka yar in loo fuliyo shuruudaha ay wateen”
Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug, ahna Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali ayaa intaa ku daray ”Dhowr kulan oo aan galnay anaga iyo dowladda meel fiican isla gaarnay, waa nala soo dhoweysay, laakiin Ahlusuna ayay wax ka socon waayeen”
Guddoomiyaha waxa uu intaa raaciyay in DFS ay u gudbiyeen kuna wargaliyeen in fashilka uu yahay mid ka imaaday dhanka Ahlusunna isla markaana Galmudug ay si cad u gudatay waajibkii ka saarnaa wadahadalka hayeeshee aanu jirin wakiilo ka socda Ahlusunna oo u jilicsan duruufta wadahadalka.
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu mar kale shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha la qaban doono 30-ka bishan.


