Sawirro: WASIIR carreysan oo gaarigeeda ku goysay waddo gasha Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Soomaaliya Samra Ibraahim Cumar, ayaa shalay xirtay waddada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho oo k amid ah kontaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia.

Samra ayaa gaarigeeda oo qooqan ah ku dhax baakintay laamiga, si aysan gaadiidka isaga gudbin, waxayna arintaan ka dambeysay kadib markii loo diiday in ay ilaaladeeda la marto wadada hormarta Madaxtooyada.

Muddo ku dhaw 30 daqiiq dood taagneed ayaa sababtay in xoog looga reebo ilaaladii la socday kadib markii qoryo lagu qabtay wiilasha, waxayna kadib ay darawalkeeda ku amartay in uu gaariga ku dhax Baakimo laamiga, iyadana ay dhaxda ka fariisatay waxayna gashatay Log, kadib waxay ciidamada ku tiri “kaalay dhaqaajiya gaariga.”

Ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa u waayay xal markii ay gaadiidka isaga yimaadeen labada dhinac ee laamiga oo Jaam ka abuurmay agagaarka madaxtooyada ayey qaateen go’aan kale.

Sarkaalka hogaamiya ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee ku sugan Xaawo Taako iyo Tiyaatarka Qaranka ayaa go’aansaday in bir ku go’aaneed laamiga dhinaca tiyaatarka laga qaado, taas oo la dhigay bishii December ee sanadkii hore, markaas uu dhacay qaraxii ay ku dhinteen dad uu kamid ahaa Weriye Cawil Daahir Salaad, si Jaamka meesha looga qaado maadaama aysan waxba ka galin go’aanka Wasiiradda.

Dood dheer kadib waxaa mesha ka baxday Samra Ibraahim Cumar oo ah wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka lamana oga waxa lagu dhameeyay arintii taagneed waxaase loo diiday in ay la gudubto ciidankii la socday.

Hoos ka daawo sawirrada dhacdada