Sawirro: Xaaf oo maanta xirtay dharka ciidamada

Cadaado (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa maanta la arkayay isagoo ku labisan dareeska ciidamada Militeriga xili uu booqanaayay xerada Ciidanka daraawiishta Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Hoggaamiyaha ayaa waxaa booqashada kala qeybgalay mas’uuliyiin kale waxa uuna warbixin ka dhageystay Saraakiisha hogaamisa ciidamada ku sugan Xerada uu booqday.

Xaaf ayaa ciidamada ku booriyay inay u diyaar garooban dagaal kadhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Galmudug dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ku sugan degmada Xarardheere.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaan maanta booqday xerada Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taala duleedka Magaalada Galkacyo, waxaana Ciidamada daraawiishta faray in ay u diyaar garoobaan sidii dib loogu soo celin lahaa deegaanada ay shabaab ka haystaan Galmudug”.

Hoggaamiye Xaaf oo markii ugu horreysay xirtay dharka Ciidanka tan iyo markii uu qabtay xilka ayaa ku dhawaaqay in xitaa maamulka uu diyaar u yahay inuu ka qeybqaato dagaalka kadhanka ah Al-Shabaab.