Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa galabta safar dhulka ah kusoo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa la xiriiro u kuurgalka nolosha bulshada iyo amniga deegaanka, subaxnimadii hore ka soo bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isla markaana soo maray deegaannada Xananbuure iyo Godinlabe, waxaana galabta boqolaal ka mid ah bulshada degmada Cadaado si diiran ugu soo dhoweeyeen fagaare ku yaalla bartamaha magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo bulshada Cadaado kula hadlay goob fagaare ah ayaa ku ammaanay isku duubnida, ilaalinta nabadda iyo taageerada dowladnimada, isaga oo ugu baaqay in ay si buuxda uga qayb qaataan halganka kama dambaysta ah ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana garab istaagaan ciidamada Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta dalka iyo difaaca shacabka.

Waxaa kale oo la filayaa inuu kulmo maamulka degmada, waxgaradka iyo qaybaha bulshada oo uu ka hadli doono arrimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo doorashooyinka oo kamid ah qorshayaashiisa muhiimka ah.

Kahor inta uusan Madaxweynaha u safrin magaaladan, wuxuumaanta tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas dhammaystay tababarka aasaasiga ah ee ciidanka kadib muddo ku dhow hal sano oo ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud.

Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka, iyagoo qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran, kuwaasi oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Hawlaha Guud, Xildhibaanno ka tirsan BFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan magaalada Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale.

Si kastaba ha’ahaatee, cutubyadan ayaa loo diyaariyay inay xoojiyaan ciidamada xoogga dalka ee haatan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaano ka tirsan Galmudug iyo gobollada kale ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News