Nin isku qarxin rabay magaalada Kimaayo oo gacanta lagu dhigay

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, in maanta gacanta lagu dhigay nin la sheegay in uu isku qarxin rabay magaalada.

Ciidamada ammaanka Kismaayo iyo kuwa Kenya ayaa maanta howlgalo ay ka sameeyeen bartamaha magaalada Kismaayo lagu qabtay nin xirnaa wax yaabaha qaraxa, kaasoo doonaya in uu weerrar ku qaato wafdiga dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Illaa hadda faah-faahin lagama bixin ninka la qabtay ee doonayay in uu isku qarxiyo bartamaha magaalada Kismaayo, laakin waxa la sheegay in uu ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Markii ninka la qabtay ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada, oo hadda ku xiran yahay, waxana lagu wadaa marka uu soo dhammaado booqashada wafdiga ku sugan Kismaayo, faah-faahin laga bixin doono ninka la qabtay. Kulamo maanta ka dhacay Kismaayo

Waxa maanta magaalada Kismaayo ka dhacay kulamo dhexmaray wafdiga uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka.

Kulanka oo ay saxaafadda bannaanka ka joogtay ayaa looga hadlay siddii maamul loo dhan yahay loogu sameen lahaa gobalada Jubbooyinka.

Wasiirka ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka in dowladda ay diyaar la tahay siddii dadka magaalada ay u soo magacaaban lahaayeen dadka ay rabaan in maamulka gobalada Jubbooyinka loo dhiibo, dowladdana ay ansixin doonto.

Wafdiga wasiirka oo ay ka mid yihiin wasiiradda gaashandhiga iyo warfaafinta iyo sarkaal ciidan, ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu diyaar u yahay in maamul loo dhiso Jubbooyinka, kaasoo ka yimaada dadka ku dhaqan magaalada oo ay ku qanacsan yihiin.

Wasiirka ayaa sidoo kale u sheegay odayaasha dhaqanka in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay diyaar u yihiin siddii Al-Shabaab looga saari lahaa illaa 7-degmo oo ay hadda ka arrimiyaan Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo