Shabaab oo ka faa’iideysatay hal arrin oo u sahashay inay kordhiyaan weerarada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Qaranka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Ugu horreyn waxa uu sheegay in weeraradii ugu dambeeyey ee ay fulisay Al-Shabaab ay u muuqdaan kuwa ay uga faa’iideysaneyso khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

“Markasto oo uu jiro khilaaf siyaasadeed Kooxda Al-Shabaab waa ay ka faa’iideysataa.” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkii maanta lagu qaaday saldhigga Balidoogle uu muujinayo inay xoogeysaneyo awooda Al-Shabaab.

“Shabaab in maanta ay ku dhiiraadaan Balidoogle oo ciidamo si adag loo tababaray oo Danab ay joogaan inay weerar ku qaadaan waxaan isleeyahay waxay ka tarjumeysaa in awooda Al-Shabaab ay xoogeysaneyso la dagaalankii lala dagaalamayeyna Al-Shabaab ay dowladdu uga weecatay dhinaca siyaasadda.” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee amniga.

Dhanka kale wuxuu dowladdu ugu baaqay inay la timaado qorshe cad oo ay ku wajaheyso dagaalka Al-Shabaab, ama ay wadahadal la gasho, si loola heshiiyo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerareeda oo ay ugu dambeeyeen labo weerar oo ay shalay ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com