Al-Shabab oo ku kacday tallaabo halis galineysa shacab badan (Magaalo dhan oo halis ku jirta).!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolkaasi ay xanibeen dhamaan dhaqdhaqaaqii Gaadiidka degmadaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Buurdhuubo oo la hadlay warbaahinta muqdisho, ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay dhibaato badan ay kasoo wajahday dhanka Al-shabaab, waxa uuna sheegay inuusan jirin gaari u kala goosha degmada Buurdhuubo.

Waxa uu sheegay in Maleeshiyadu ay jartay dhamaan waddooyinka soo gala degmadaasi islamarkaana aysan jirin gaari soo galay degmada amaba ka baxa.

Guddoomiye ku xigeenka waxa uu tilmaamay in degmada ay ku tiirsanaan jirtay badeecada kaga imaan jirtay magaalooyin ka tirsan Gobolka Baay balse iminka muuqato inaan la heli doonin adeega bulshada, waa haddii aan Al-shabaab laga qaban degmada.

DFS ayuu ugu baaqay inay la imaado tallaabo wax looga qabanaayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa uuna ku taliyay in shacabka degmada laga badbaadiyo halista Al-shabaab.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Diini ayay ugu baaqen inuu gacan ka geysto ka hortaga hagardaamada Maleeshiyaadka Al-shabaab ee kusii baaheyso degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com