Shabaab oo la wareegtay saldhig laga ilaaliyo Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Keli Waraabow oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen saldhig ciidamada HirShabelle ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ku dishay lix ka tirsan ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Keli Waraabow ayaa Jowhar u jira afar KM oo kaliya, waxaana saldhigga la weeraray laga ilaalin jiray aminga magaaladaasi.

Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mamulka HirShabeelle Maxamed Kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in xilliga uu weerarku dhacayey ciidamadu ay isku diyaarinayeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen, sida uu hadalka uy dhigay.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan oo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayo halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com