Al-Shabaab oo leysay ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in ciidamo ka tirsan dowlada ay ku laayen Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalyahaano ka tirsan maleeshiyada ayaa deegaankaasi ku dishay ilaa laba Askari kuwaasi oo kamid ahaa ciidamada maamulka ee ka tirsan dowlada.

Ciidamada la laayay ayaa waxaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa laba Askari kuwaasoo uu dilkooda u dhacay qaab fool-xun.

Ciidamadaani ayaa ka tirsanaa milliteriga waxa ayna sidoo kale maleeshiyadu ka qaaten qoryihii ay wateen dilkooda kadib, waxa uuna dilkooda si gaar ah uga dhacay Suuqa Degaanka Halgan.

Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa hoostaga Degmada Buulabard,waxaana Fariisin ku leh Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Millitariga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com