Al-Shabab oo lumiyay gacan ku heynta deegaan kale oo muhiim ah (Warbixin)

Qansax Oomane (Caasimada Online) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta weerar qorsheysan waxay ku qaadeen ururka Al-shabaab ee ku sugan Duleedka degmada Bardaale ee gbolka Baay.

Deegaanka qansax oomane, oo duleedka ka ah degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxay Fariisin u aheyd Ururka Al-shabaab , Inkastoo maanta si rasmi ah looga fara maroojiyay sida warar ay sheegayaan.

Kadib Dagaal xoogan oo ciidaamda dowlada Soomaaliya iyo waliba kuwa ururka Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Qansax Oomane iyo  degmada Bardaale ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya waxay sheegeen inay si rasmi ah ula wareegeen deegaanka Qansax Oomane .

Lix  Ruux oo dhinacdii maanta halkaasi ku dagaalmay ah ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku geeriyoodeen , waxase Gudoomiyaha degmada Bardaale uu beeniyay in dhankooda uu khasaare dagaalkaasi ka soo gaaray.

Maxamed Isaaq Caro-case, ayaa sheegay inay ka war hayaan  dhimashada Seddex kamid ah Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab sida uu sheegay , balse uu khasaaruhu intaa ka badan karo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka Qansax Oomane ay kula wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya inay ka qeyb qaateen kuwa Ethiopia , Inkastoo Mr. Caro-case uu sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah .

Caasimada online

Xafiiska Qansax Oomane

Caasimada@live.com