Kooxda Shabaab oo qafaashay odayaashii ugu badnaa kaddib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in deegaano halkaasi ku yaalla lagu qafaashay odayaal dhaqmeed halkaasi caan ka ahaa.

Odayaashani oo aan lagu heyn nolol iyo geeri ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay laga qafaashay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 30 Km u jira Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha la qafaashay oo tirro ahaan gaaraya ilaa Todobo, ayaa waxaa lagu eedeeyay in wada shaqeyn ay kala dhexeyso Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Maleeshiyadu waxa ay odayaashaani ku qafaashen gaadiid ay wateen, waxa ayna talaabadaani imaaneysa kadib markii ay la wareegen gacan ku heynta deegaanka Beerxaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Al Shabaab ayaa sheegay in Odayaashaasi ay si weyn u soo dhaweeyeen Ciidamadii Huwanta ee Jubbaland iyo Kenya markii ay deegaankaas soo gaareen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland, waxaana sidoo kale aan kala cadeyn in la dilay odayaasha iyo inay badqabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com