Shabaab oo qarax ku dilay guddomiyihii deegaanka Raaskamboni ee Jubaland

Avatar

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa galabta qarax miino loogu xiray lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Allaha u naxariistee Cabdullahi Diiriye Cabdi ayaa xilliga uu qaraxaasi haleelay ka baxay deegaanka Kulbiyow ee isla gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo sida la sheegay uu maalmihii lasoo dhaafay u joogay xalinta khilaaf soo kala dhex galay maamulka deegaankaas.

Masuulkaas ayaa xilliga la qarxiyey waxa uu kusii jeeday deegaanka Raaskambooni oo mudo sagaal sano ah uu guddoomiye ka ahaa, kaas oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in sida lagu ogaaday baaritaano hor dhac ah, qaraxa lagu guddoomiyaha uu ahaa miino lagu aasay wadada, isla markaana ay socdaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxaas.

Cabdullaahi Diiriye ayaa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo intii maamulkiisu jiray ay isla shaqeynayeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna sheegeen in ay la dileen seddax askari oo ilaaladiisa ka mid aheyd.

Jubbaland ayaan weli war rasmi ah kasoo saaray dilka guddoomiyihii u qaabilsanaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.