Shabaab oo taariikh u dhigtay ciidamada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa qoray in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar culus ku qaaden Afar gaari oo la sheegay inay la socdeen Saraakiil ciidan oo ka tirsan Boliska Kenya.

Wargeyska ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ka bilowday Qarax miino oo galaaftay Nolosha Saraakiil xili ay marayeen Deegaanka Bargoni ee Waqooyiga Degmadda Laamu.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay Saraakiil dhowr ah, halka tirro kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus oo qaarkood laga deyrinaayo dhaawaca kasoo gaaray weerarkaasi.

Gaadiidka iyo ciidamada la qarxiyay ayaa kusii jeeday xiligaasi Deegaanka Kiunga, balse ay Al-shabaab wadada u galeen ka hor inta aysan gaarin deegaankaasi.

Ciidamadii la socday gaadiidkaasi iyo maleeshiyada weerarka qaaday ayaa rasaas isweydaarsaday qaraxa kadib iyadoo mid ka mid ah gaadiidka xamuulka ee Boliska dab la qabadsiiyey, sida uu wargeyska qoray.

Qaraxa iyo xasuuqa ciidamada Boliska Kenya kadib ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Joseph Boinnet oo ah Taliyaha guud ee ciiddanka Boliska Kenya, waxa uuna qiray in weerarkaasi uu dhabar jab ku ahaa ciidamada Kenya balse ay dhankooda ka muujiyeen iska caabin.

Joseph Boinnet ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in mudadii uu socday iska caabinta ay ciidamadu dhaawaceen maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.

Docda kale, weerarkaasi ayaa yimid iyadoo ay ciidanka Kenya sheegeen inay ballaariyeen hawlgalkii ka socday dhulka Kaymaha ee Boni Forest.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com