Shabaab oo toogasho ku dilay sarkaal Daacish ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Al Shabaab ay toogteen ruux ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhex noolaa degmada Bu’aalle.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka Al Shabaab ay ku sheegeen magaciisa Yaxye Xaaji Fiile oo loo yaqaanay Abuu Zakariye, kaasi oo ku sugnaa degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Abuu Zakariye ayaa la sheegay inuu xiriir la lahaa kooxda Daacish Garabka ka dagaalama Soomaaliya, islamarkaana uu u ahaa sirdoon ugu dhex jiro ururka Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay.

Abu Zakariye ayaa horey isku khilaafeen Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye ka tirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jira Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii, sida warbixinta AL SHabaab ay ku sheegeen.

Wada hadal kadib ayuu dib ugu laabtay Al-Shabaab oo markii hore ka cararay, isagoo muddooyinkii dambe ku nooloo kana bar bar dagaalamayay Kooxda xiriirka la leh Al-qaacidda ee Daacish.

Labada Koox ee Al Shabaab iyo Daacish ayaa isku khilaafsan hanaanka siyaasadda iyo maaliyadda, waxaana ay muddooyinkii ugu dambeeyay iska dileen dagaalyahano kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbada Hoose
Caasimada@live.com