Al-Shabaab oo xabsiga dhigay Odayaashii ugu badnaa abid.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaano halkaasi ku yaalla ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku xirxireen Odayaal dhaqmeed aad u farabadan.

Odayaasha ay maleeshiyadu xirtay ayaa waxaa tirro ahaan lagu sheegay 50 odayaal ah oo ay wehliyaan dhalinyaro.

Deegaanada laga xirxiray Odayaasha iyo dhalinyarada ayaa waxaa lagu kala sheegay deenaada Galhareeri iyo Degmada Ceeldheer.

Xariga Odayaasha ayaa ka danbeysay kadib markii ay qaadaceen amar kasoo baxay maleeshiyada oo dhigaaya in xoolo ay lahaayeen lagu iibiyo suuq ku yaala deegaanka Galhareeri.

Dhalinyarada la xiray ayaa sidoo kale xarigooda loo cuskaday kadib markii ay raacan jireen Casharo diini ah oo ka bixi jiray Masaajido ku yaala Degmada Ceeldheer.

Maleeshiyada ayaa dhalinyarada ku eedeysay inay qaadan jireen Casharo lidi ku ah Mabda’a dagaalka lagula jiro dowlada Somalia.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maleeshiyada Al-shabaab oo ku aadan sababta ay Odayaasha u xirxireen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com