Shabaabkii ugu badnaa oo lagu qabtay Xamar + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booiiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen rag Al-Shabaab ka tirsanaa oo gaaraya ku dhawaad 20 ruux, kuwaasi oo xabsiga la dhigay.

Dadkaasi ayaa lagu qabqabtay howlgalo ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana taliska ciidamada Booliska ay sheegeen inay dhawaan cadaalada hor keeni doonaan.

Sakiyo Xuseen taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ayaa shaacisay in dadka la qabtay uu kamid yahay ruux gaari Shacab ah leeyahay qarax ku xirayay, kaasi oo maanta ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amaanka ay baaritaan ku wadaan, islamarkaana kadib maxkamadaha dalka loo gudbin doono dadka ciidamada ay qabteen.

Sidoo kale Sakiyo Xuseen ayaa shaacisay in ciidamada amaanka ay toogteen ruux ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo dhaawacay askari ka tirsanaa ciidamada amaanka.

Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Qarax maanta ka dhacay agagaarka wadada