Shabab oo ka hadashay dagaalki Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay dagaal culus oo shaley ka dhacay gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Buurdhuubo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Al-Shababa ay waddada u galeen kolonyo gaadid ah oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia kuwaasoo tababaro ku soo qaatay Doolow loona galbinaayay dhinaca Buulo Xaawo.

Waxa kaloo war-saxaafadeedka lagu sheegay in seddax gaari laga gubay ciidamada Ethiopia 10 askarina laga dilay sida hadalka loo dhigay isla markaana nolasha lagu qabtay labo askari ,laakin ma xaqiijin karo askarta la qabtay in ay yihiin Soomaali ama Ethiopian ayaa lagu yiri warka.

Waxa hadda gacanta ku haya goobta la weeraray ciidamada Al-Shabaab halka ciidamadii isbaheesanayay ay dib ugu gurteen degmada Luuq halkaas la filaayo in ay geesteen dhaawacyada ayaa mar kale lagu sheegay war-saxafaadeedka.

Si kastaba labada dhinac ee ku dagaalamay Gedo ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shaley oo aad u cuslaa sida ay lee yihiin ilaha madaxa banaan.

Guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaalkii shaley ay ku dileen illaa 25 ka tirsan Al-Shabaab, iyagana uu uga dhintay labo askari afar kalena ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.

Xaalladda goobihii lagu dagaalamay ayaa la sheegayaa in saaka oo Axad ah ay deggan tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho