Shabakada ugu halista badan kooxda Al-Shabab ee Muqdisho oo gashay gacanta DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir lagu qabtay Shabakada Maleeshiyada Al-shabaab u qaabilsan aasida miinooyinka degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkaasi ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 11, kuwaasi oo xiliga gacanta lagu dhigaayay ku howlanaa howlo lagu aasaayay miinooyinka.

Howlgalka lagu soo qabqabtay Maleeshiyaadkaasi ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM, waxa ayna sidoo kale ku soo qab qabteen in ka badan saddex boqol 300 oo qof.

Ciidamada oo baaritaano ku sameeyay dadkaasi, ayaa waxay kala soo hareen dhawr iyo toban qof, intii kalana waxay u ogolaadeen in ay dib guryahoodu ugu laabtaan.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi ayaa yiri “Maalmahaan waxaa soo batay qaraxyada ka dhacaaya inta u dhaxeyso Xeradii Maslax iyo Isgoyska Ex Control Balcad, oo lagula beegsanaayay gawaarida Ciidamada Amisom, taasaana keentay in hawlgalkan lagu dhaqaaqo.”

“Ciidamada Dowladda iyo Amisom waxay hawlgalka ku soo qab qabteen saddex boqol oo ruux. Dadkaasi waxaa lagu sameeyay isku shaandhayn, waxaana la marinaayay liisan License. Dhawr iyo toban qof maahee intii kale waa la sii daayay, guryahooda ayay dib ugu laabteen.”

Gudaha asbuucaani ayaa waxaa Degmada Heliwaa ka dhacay ilaa 4 Qarax oo siyaabo kala duwan loola eeganaayay Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com