DAGAAL KA QARXAY XAMAR MUDDO KADDIB

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal saacado socday ayaa xalay muddo kadib ka dhacay xaafada Nasteexo oo kamid ah xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taasi oo dad badan xasuusisay dagaaladii dhexmari jiray Alshabaab iyo dowlada.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamo ilaalo u ah gudoomiyaha degmada Dharkeynley iyo ciidamo kale oo ku sugnaa xaafada Nasteexo, kuwaasi oo aan waxba kala socon weerarka ciidamada daacada u ah gudoomiyaha degmada Wadajir.

Wararka ku saabsan dagaalka ayaa sheegaya inuu bilowday markii ciidamada ilaalada u ah gudoomiyaha Dharkeynley ay soo eryadeen dabley dhac ka geysatay degmadiisa kuwaasi oo uu raadkooda soo galay xaafada nasteexo ee degmada Wadajir.

Dagaalka oo xalay xili dadka ku dhaqan Nasteexo ay hurdeen ayaa sababau dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka xaafada, sida dad deegaanka ay sheegeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka maadaama uu dhacay xili ay hurdayeen ay u qaateen in Alshabaab ay soo weerareen xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta labada degmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com