Shakur: Aragtida Farmaajo uu qabay iyo xantii VILLA Somalia ayaa ii soo baxday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir eek u aadan in la burburiyey dhammaan heshiisyadii ay gashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadan Darjiinada danta guud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay hadda usoo baxday xantii uga horay uga maqli jiray Villa Somalia iyo Aragtida Madaxweyne Farmaajo ee ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo.

Wuxuu sheegay inay dowladda Farmaajo ku socoto wadadii kalitalisnimada isla markaasna aragtidaan camal ay horey u socon weysay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook

Maanta markii aan dhagaystay Warka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa ii soo baxay dhabta xantii aan horay uga maqli jiray Villa Somalia. Aragtida Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay mid sharci daro ah oo boob ah gacanta dawlada na lagu soo celiyo. Si taas loo meel mariyana ay tahay in

1- La qarameeyo (nationalize) shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta, Korontada, Biyaha iyo Maaliyada iwm.

2- In lala wareego dhismayaalka danta guud ee dawladihii isaga ka horeeyey ay bixiyeen ama heshiis kiro mudo dheer ah ku galeen, kuwaasoo ay haatan ka dhisan yihiin kaalimo shidaal, hoteelo iyo jardiinooyin beero nasasho iyo ganacsi kale oo waawayn.

Waxay ilo xog-ogaal ahi ii sheegeen in Farmaajo uu kala dooran siiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in uu is casilo ama burburiyo jardiinooyinka ay horay u bixiyeen dawladihii hore.

Su’aashu waxay tahay xagee laga soo bilaabayaa sharciga iyo bixinta dhulka danta guud ee ay dawladu bixisay ama kiraysay? Ma Dawladii la doortay ee rayadka ahayd, ma tii xukunka xoogtay ee miliateriga ahayd? Mise kuwii ku meelgaarka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo u danbeeyo.

Madaxweynaha ama Gudoomiyaha xiligaas jooga miyaa go’aanka iska leh? Mise go’aanadii iyo sharcigii dawladihii ka horeeyey wuu jiraa.

Fikirka dawladnimo ee ku dhisan in ganacsiga ay dawlada gacanta ku hayso, in Baarlamaanka iyo lamaaha fulinta ay isku gacan ku jiraan, in ciidanka nabadsugida loo adeegsado jaasuusida, daba galka iyo fadeexaynta siyaasiyiinta, waa mid horay loo soo tijaabiyey dalka meel u gaynayo ma laha, mana filaayo in dib u heshiisiinta dalkani u baahan yahay ay wax wayn ka tarayso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com