Shabaab oo 5 askari ku dilay weerar ay ku qaadeen Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Mandheera (Caasimada Online) — Shan ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu dilay iska-horimaad ay la galeen dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Mandheera ee ku dhow xadka Soomaaliya, sida ay booliska Kenya sheegeen.

Iska-horimaadka ayaa dhacay duhurnimadii Talaadada, kaddib markii cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee SOG Alungu uu dagaalyahannada kula kulmay deegaanka guud ee biyo-xireenka Wantey Dam.

“Ciidamo roondo ah oo ka socday SOG Alungu ayaa dagaalyahanno Al-Shabaab ah kula kulmay deegaanka guud ee Wantey Dam,” ayaa lagu yiri warbixin ay boolisku soo saareen.

Booliska ayaa sheegay inay ciidamada ammaanku weli baadi-goobayaan dagaalyahannadii ka dambeeyay weerarka, kuwaas oo goobta ka baxsaday kaddib iska-horimaadka.

Ciidamo gurmad ahaan loogu diray deegaanka ayaa sidoo kale lala beegsaday qarax miino oo lagu aasay waddada. Qaraxa ayaa burburiyay gaari gaashaaman, hase yeeshee booliska ayaa sheegay in uusan geysan wax dhimasho ama dhaawac ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa khasaare intaas aad uga badan ka sheegatay weerarka. Warbaahinta kooxda ayaa sheegtay in dhimashada ciidamada Kenya ay gaarayso ugu yaraan 13 askari, halka dhaawacana yahya 12 askari.

Warbaahinta koxoda waxay sidoo kale sheegatay in weerarka ku gubeen gaari gaashaaman oo noociisu ahaa Taw iyo sidoo kale 5 Mooto.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda, oo inta badan caan ku ah in ay weriso khasaare ka badan kan dhabta ah.

Al-Shabaab ayaa muddo sannado ah dagaal kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo dooneysa inay xukunka la wareegto, kuna soo rogto dalka fahamkeeda adag ee shareecada Islaamka.

Kooxda ayaa sidoo kale weerarro joogto ah ka fulisa deegaannada waqooyi-bari Kenya ee xadka la wadaaga Soomaaliya, iyadoo bartilmaameedsata ciidamada ammaanka, saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Bishii Janaayo, booliska Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay dileen guddoomiye deegaan iyo macallin ku sugnaa degmada Gaarisa, oo deris la ah Mandheera.

- Advertisement -

Read more

Local News