Shariif Xasan: “Madaxweyne FARMAAJO wuxuu toshay jaakad kaligiis u gasha”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahad Maxamed Guuleed oo sheegay in doorashada soo socota wareega koowaad lagu kala bixi doono.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu doonayo in kaligiis uu tartamo, isagoo sheegay in horay loo soo arkay nin kaligiis tartamay, balse la mahdin waayey.

“Mahdi Guulleed waxuu yiri Baydhaba hal wareeg ayaan ku guuleysanay, Baydhaba wixii ka dhacay waa la ogaa dad ayaa la xirxiray, wixii kale ee ka dhacayna waa ogeydeen, Galmudug inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Jowhar inkastoo iyadana dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha talada haya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu sidoo kale ku eedeeyay in uusan diyaar u aheyn in doorasho lala galo, balse uu doonayo wax uu kaligiis maamusho.

“Illaa Carta ayaan dowladnimada Soomaaliya ku soo dhax jiray, weli ma arag doorasho hal wareeg ku soo dhamaata, waxaan arki jirnay doorasho leysku daalo oo la baahdo oo wareegyo dhowr ah leysla maro, sidaa daraadeed doorasho hal wareeg ah waan diidnay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shariif Xasan.

Hadalkan ayuu madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ka jeediyey shirka Muqdisho uga socda maalinkii afaraad musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo sacadaha soo socda, isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysanyihiin musharaxiinta iyo xubnihii kale ee dib uga biiray, iyadoo arrinta ugu weyn ee laga gadooday ay tahay guddiyada loo soo xulay inay doorashada maamulaan oo la sheegay inay ku jiraan xubno ka kala tirsan NISA iyo shaqaalada dowladda.

Hoos ka Daawo Shariif Xasan Sheekh Aadan