Shariif Xasan oo loo diiday inuu u safro Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka & ilaaladiisa ayaa saaka laga hor istaagay safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii uu raaci lahaa Shariif Xasan lagu amray in aanay Baydhabo kasoo dagi karin, kadib amar kasoo baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa doonayey inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo uu horey ugu fadhiyey wiilkiisa.

Sababta loo celiyey ayaa waxaa lagu sheegay in la doonayo in laga reebo tartanka doorashada, iyada oo kursiga loo xiray musharrax kale.

Is hortaagga lagu sameeyey Shariif Xasan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib, kadib markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay u fasaxday inuu u ambabaxo Baydhbao, waxaana loo ogolaaday hub fudud, gaar ahaan 7 qoray oo AK47 ah 7 bistoolad, balse waxaa talaabadan ka horyimid maamulka Lafta Gareen oo soo saaray amarka lagu celiyey.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal heyn, waxaana si aad loogu cambaareeyey Lafta Gareen inuu Baydhabo u diido madaxweynihii isaga ka horreeyey.

Inkastoo Shariif Xasan uu ka mid ah yahay mucaaradka, haddana waaa aas aasaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaasi.

Si kastaba, xayiraadda lagu sameeyey socdaalka Shariif Xasan ayaa daba socota go’aanno horey loogu hor istaagay siyaasiyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeekii hore ee Golaha Shacabka oo loo diiday Baraawe oo lagu qabtay doorashada kursigii uu ku fadhiyey.