Shariif Xasan oo shaaciyay laba arrin oo uu sheegay inay ka waayen dowladda

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa hadal uu maanta Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ka jeediyay magaalda Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan oo dib ugu laabashadiisa magaalada Baydhabo kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ku fashilantay qorshooyinkii ay la damacsaneyd maamulada.

Shariif Xasan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka sugayeen laba arrin oo kala ah inay Al-Shabaab la dagaalanto iyo in ciidamo wadooyinka muhiimka ah furaya ay keento, hadii intaas ay sameyn weydana ay aheyd inay taageerto ciidanka dowlad goboleedyada, balse labadaas arrimoodba ay ka waayen, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda waxaan ka sugeynay inay Shabaab la dagaalanto, jidadkana furto, weli arrimahaas waxba kama qaban”. Ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan oo dhiiranaa ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn federaalka, sidaasi darteedna ay ka badbaadsan doonaan maamuladooda.

Waxa uu Shariif Xasan sheegay in shirkii Kismaayo qof walba uu ka hadlay dareenkiisa, isla markaana laga badin waayay markii la is wareystay in lasoo saaro war-murtiyeedkii shalay, sida uu yiri.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa ku baaqay in dowlada Somalia ay dib ugu laabato ficiladii ay sameysay waxa uuna carab dhabay inay ka tashan doonaan haddii uu arrinku sidaa sii ahaado.

Haddalka Shariif Xasan ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Somalia uu shir degdeg ah isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com