Shariif Xasan oo shaaciyey cidda diiday inuu maanta ka dhoofo garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shaaciyey cidda maanta ka hor-istaagtay in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo.

Shariif Xasan wuxuu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in duuliyihii diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kasoo fulay amarka loogu diiday in uu u duulo Baydhaba.

“Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay HOP#261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado…maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda, laakiin waxaan rabay in aan ka qeybgalo waana la diiday in aan meesha tago,” ayuu yiri shariif Xasan.

Is-hortaagga lagu sameeyey Shariif Xasan ayaa kusoo aaday saacado uun kadib, kadib markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay u fasaxday inuu u ambabaxo Baydhbao, waxaana loo ogolaaday hub fudud, gaar ahaan 7 qoray oo AK47 ah 7 bistoolad, balse waxaa talaabadan ka horyimid maamulka Lafta Gareen oo soo saaray amarka lagu celiyey.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal heyn, waxaana si aad loogu cambaareeyey Lafta-gareen inuu Baydhabo u diido madaxweynihii isaga ka horreeyey.

Inkastoo Shariif Xasan uu ka mid ah yahay mucaaradka, haddana waaa aas aasaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaasi.

Si kastaba, xayiraadda lagu sameeyey socdaalka Shariif Xasan ayaa daba socota go’aanno horey loogu hor istaagay siyaasiyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeekii hore ee Golaha Shacabka oo loo diiday Baraawe oo lagu qabtay doorashada kursigii uu ku fadhiyey.