Shariif Xasan oo iscasilaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu is-casilayo, oo aysan wax shaki ah ku jirin, waxa harsanna ay tahay kaliya inuu ku dhawaaqo.

Ilo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shir jaraa’id qaban doono goor-dhow kuna dhawaaqi doono inuu is-casilay.

Xubin ka mid ah golahiisa wasiirada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in Shariifka uu go’aan ku gaaray inuu xilka ka dego, islamarkaana uusan dib isku sharxin, kadib heshiis dhex maray isaga iyo dowladda dhexe.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socda Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaa kulamada ugu badan uu u dhaxeeyaa Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay.

Xubnihii guddiga doorashada ee is-casilay ayaa la filayaa in la beddelo, islamarkaana 10-ka maalmood ee soo aadan lagu diyaariyo doorashada, oo dhacaysa 17-ka November.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com