Sheikh caan ah oo taageeray weerarki West Gate oo xabsiga loo taxaabay

Hargeisa (Caasimada Online) Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga Xalay u taxaabay Gudoomiyaha Ururka Xizbulah Sheekh Maxamed C/lahi Geele, oo taageeray dhowaan weerarkii Westaget Mall ay rag ka tirsan shabaab ay ku qaadeen Todobadkii aan kasoo gudubnay.

Afhayeenka Ururkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay Xarigga Gudoomiyahooda waxana uu arintan u sababeeyay hadal dhawaan uu sheekha jeediyay oo ku adaanaa arinta Westgate Mall iyo arimo kale .

sheekh-geelleSheekha ayaa sidoo kale la tuhunsan yahay in arimaha loo xiray ay qeyb kasii tahay inuu dhowaan kasoo horjeystay Miisaaniyada  golaha wakiilada Maamulka Soomaaliland ay Ansixiyeen , kaas oo lagu kordhinayaan Canshuuraadka laga qaado gaadiidka iyo Xoolaha la dhoofinayo.

Somaliland Wali kama hadlin Xarigga Sheekhan dhowaan taageeray shabaab isla-markaana soo dhaweeyay weerarkii Westage kuna tilmamay mid loo baahnaa.

Warar ayaa sheegaya in Sheekh dhowaan uu Xabsi kasoo baxay inkatoo aan la shaacin sababaha uu u xirnaa hayeeshee dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay inay xukuumadihii Somaliland Soo maray xarig kula dhaqaaqeen Sheekh.

Ururka Xizbulah ee uu sheekhan gudoomiyaha ka yahay ayaanan faah faahin buuxda ka bixin balse waxay xaqiijiyeen in sheekha la xiray loona maleynayo hadalkii dhawaan uu jeediyay ee u muuqday taageeridda Shabaab inuu u xiran yahay.

Caasimada online

Xafiiska Hargeisa

Caasimada@live.com