Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay xaaladda HirShabelle, gaar ahaan xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee ka dhalatay doorashooyinkii ka dhacay halkaasi.
Sheekh Cali Wajiis oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa eedeyn culus u jeediyay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isaga iyo siyaasiyiin kale ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay inuu gacmaha la galay arrimo uusan shaqo ku lahayn, sida uu hadalka u dhigay.
“Ugaaska Xawaadle howl aan aheyn howshiisa ayuu galay, Ugaaska doorashooyin inuu galo ma ahan, mana loogu talagelin, Imaamka Mudulood iyo Ugaaska Mudulood oo doorasho ka hadlayo ma aragtay?,” ayuu wareysiga ku yiri Sheekh Cali Wajiis.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in doorka dhaqanka uu yahay inuu hoggaamiyo bulshada, sidoo kalena uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya.
“Qaylada siyaasi ayaa iska leh waa nin u-gaarsada ah shabaq ayuu tuuranayaa waxbaa ugu soo dhacaayo dowladda ayuu rabaa inuu rux-ruxdo, laakiin dhaqan sidiisa waa dhowrsan yahay qabiil ayuuna hoggaamiyaa dowladdana waa la taliyaa,” ayuu mar kale yiri Sheekha.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Dhiiqo ayaa lala doonaayay Ugaaska, laakiin nasiib wanaag waa ka badbaaday lama gelin. Niman siyaasiyiin ah ayaa waxa ay rabeen in kaarka Ugaaska ay xoqdaan balse arrintaan Ugaaska ugu dmabeyn ka gaabsaday”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay weli tabasho qabto beesha Xawaadle oo ka hortimid sida loo wajahay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay HirShabelle, kadib markii kaarka musharaxnimada ee JSP la siiyay Cali Guudlaawe oo mar kale u taagan xilka madaxweynaha.

