Sheekh SOOMOW oo raali-gelin ka dalbaday Sheekh BASHIIR kadib hadalkiisii xasaasiga ahaa (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, kaas oo ahaa in Ahlu-Sunna iyo Al-Shabaab ay isku mid yihiin.

Sheekh Soomow ayaa cod dheer Sheekh Bashiir uga dalbaday inuu raali gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkaas oo mid gef ah uu ku tilmaamay.

“In qof sheeganaya hoggaanka culumada Soomaaliyeed uu ka soo yeero war ah in Ahlu-Sunna iyo Khawaarijta dadkeena dhameysay ay isku mid yihiin, waa arrin yaab leh oo lala fajaco, waxaan leenahay Sheekh Bashiir warkaas waa mid kugu kooban kaligaa,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Soomow ayaa sheegay in guddoomiyahooda Sheekh Bashiir uu heysto fursad uu ku sixi karo qaladkii ka dhacay, isagoo ka dalbaday in raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo.

“Sheekh Bashiir hadalkaas adigana kuuma qalmo,  cid kalena kuma meteshid, waxaad ka mid tahay hoggaanka culumada Soomaaliyeed, waxaad kaalin weyn ka qaadan kartaa in dadka la kala celiyo, laakiin hadii adigu aad xukun rido, ninka Sheekha ah kalaankii afkiisa ka soo baxa Fatwo waaye,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Hadaa Fatwooto in Ahlu-Sunna iyo Al-Shabaab ay isku mid yihiin, hadde birrina waxaa kaa suurtaawda inaad dhahdo isku si haloola diriro, Sheekh Bashiir wax kuu qari maayee hadda waxaan ku leenahay fursad ayaad heysataa, waxaan kuu soo jeedineynaa inaad dib u saxdo wixii afkaaga ka soo yeeray, hadalkana intaas kuu dhaafi maayo.”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo maalin ka hor ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wadaadada gacanta ku dhigay magaaladaas ee Ahlu-Sunna ay la mid yihiin Al-Shabaab, taas oo caro badan ku abuurtay culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna oo aad ula dagaalama fikirka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo Sheekh Soomow.