SHEYMA Maxamed oo ka carartay Muqdisho kaddib arrinti ay shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheyma waa Gabar madax ka ah Gabdhaha Kubadda Cagta Soomaaliya sidoo kalena Muqdisho ka aas aastay Koox kubadda Cagta ah oo u gaar ah Gabdhaha.

Sheyma oo wareysi siiyay Wargeyska TUKO ee ka soo baxa Kenya, waxaa ay ku sheegtay in ay hanjabaad kala kulantay xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya kaddib markii ay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA la wadaagtay in lacagta madaxa Gabdhaha uu xiriirka ku helo aysan gaarin gabdhaha.

Bishii la soo dhaafay ayey Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ku wargelisay in lacagta ku qoran Xiriirka Kubadda Cagta Gabdhaha ee soo marta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya aysan gabdhaha gaarin.

Waxaa ay FIFA ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo,lacagtaas ayaa waxaa ay gaareysaa $150,000 (boqol iyo konton ) kun oo dollar.

Waxaa ay sheegtay in lacagta $150,000 ah boqolka uu leeyahay xiriir kasta halka $50,000 kun ay tahay qarashka ku baxa safarka mas’uuliyiinta xiriirka iyo ciyaartooyda Gabdhaha ah,taas oo ay FIFA siiso waddan kasta oo ka mid ah Waddamada Xubnaha ka ah.

Sidoo kale Sheyma ayaa sheegtay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu afgambi ku sameynayo waqtiga ay xil heynteeda ku egtahay oo ah 6 sano oo ay ka baxday labo sano oo kaliya.

Sheyma waxaa ay sheegtay in xiriirka uu oggolaaday xilkeeda laakiin uu diiday qalabeynta xafiisyada xiriirka Kubadda Cagta Gabdhaha sidoo kalena diiday goobaha ay Gabdhaha ku tababartaan.

Waxaa ay tiri “mar waliba waxaan sare u qaadaa arrintan, laakiin si wanaagsan uma socoto, waxaan helay farriimo hanjabaadyo ,kaliya waxaan raadinayaa lacagta loogu talagalay gabdhaheenna kubadda Cagta, siima joogi karo Muqdisho, amaankeeyga dartiis,xaaladda dalka ayaa iska nugul”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com