Shiikh Soomow: Dad badan ayaa Umal dartiis qabri ugu jira, muxaadarana kuma qaban karo Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Shiikh Abuubakar (Sh. Soomow) oo ah Afhayeenka Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hor imaaday muxaarado la sheegay inuu Berri Garoonka Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho ku qaban doono Shiikh Umal oo dhawaan soo gaaray Magaalada.

Shiikh Soomow ayaa Shiikh Umal ku eedeeyey inuu sabab u yahay isaga fidnada iyo musiibada ka jirto dalka isla markaasna aan la aqbali karin inuu isaga qabto muxaarado ka hadleyso fidnada iyo sida looga hortagi karo musiibooyinka.

Shiikh Soomow ayaa Umal ku eedeyey inuu faafiyo Caqiido qaldan isla markaasna uu Culimada Ahlu Sunna ka aaminsan yahay inay yihiin Gaalo.

Wuxuu sheegay in culumo badan oo uu gaaleysiiyey dartiis ay qabri ugu jiraan dadka Muqdishana ay og yihiin arrintaas.

Soomow ayaa sidoo kale Umal ku eedeeyey inuu dhiira geliyo Ururka Al-Shabaab isla markaasna uu aaminsan yahay caqiidadooda.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inuu xalaaleeyey Hilibka Waraabaha, sidaas darteedna aan laga dhageysan karin muxaarado uu jeedinayo inta uu ka towbad keenayo dhammaan waxyaabahaas, isagoo intaas ku daray inaysan jirin fidno ka weyn in dadka laga lumiyo caqiidada saxda ah.

Dadka Muqdisho ayuu ugu baaqay inaysan ka qeybgelin muxaadaradaas, wuxuuna Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay sameysay qalad weyn oo ah in Telefishinka Qaranka oo ah meel dadka laga hanuuniyo lasoo geliyo Shiikh Umal oo sheegayo inuu qabanayo muxaarado ku saabsan sida looga hortagi karo musiibooyinka.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikh Soomow