Shir xasaasi ah oo u socda Rooble iyo beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan Teendhada Afisyoone shir deg deg ah kula leh wakiiladda qaar ee Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha soo kordhay ee dalka iyo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirkan dalbaday ra’iisul wasaaraha, kadib farriintii kasoo baxday hay’adda NISA, waxaana diiradda lagu saarayaa caqabadaha ku hor-gudban doorashada iyo fariimaha dhinaca amniga ah ee shaqsi ahaantiisa uu dareemayo.

Sidoo kale Rooble ayaa wakiilada Beesha Caalamka siinayo warbixin guud oo ku aadan xaaladda dalka iyo sida looga gudbi karo marxaladda haatan la taagan yahay.

Wariyeyaasha ayaa dibad joog ah shirka haatan socda, balse waxaa lagu soo warramayaa in gabagabadii ay war kasoo saari doonaan xukuumadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo aaday, xilli xaaladda dalka ay markale gashay jahwareer xoogan, kadib markii ra’iisul wasaaruha uu shaqada ka eryey xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka ee FEIT, kadibna ay jawaabo ka bixiyeen Villa Somalia & maamullada qaar.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xiisadda ayaa u muuqata inay yeelatay weji cusub oo ka duwan xaaladdii hore, maadaama la’isla aaday dhanka ammaanka.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dhowaan qarax is-miidaamin ahaa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo si weyn loogu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil.