Shir xasaasi ah oo u furmay mucaaradka iyo beesha caalamka + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa barqannimadii maanta xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlayo arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka waxaa ka qayb-galaya Madaxweynihii hore ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble, halka Madaxweynayaasha Jubbaland iyo  Madaxweynaha Puntland ay uga qeyb galayaan hab fogaan-arag ah.

Maxaa laga wada-hadlayaa?

Shirka u furmay mucaaradka iyo beesha caalamka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbaka ee ka dhashay doorashada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in lasii amba qaadayoo wada-hadallada ay garwadeenka ka tahay beesha caalamka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka daba dheeraaday u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Wada-hadallada ayaa dhawr jeer oo hore fashilmay, kadib markii ay labada dhinacba isku fahmi waayeen ajendayaasha qaran ee la’isku hayo.

Kulanka socda oo si weyn isha loogu hayo ayaa ujeedkiisa ugu wayn waxa uu yahay mid lagu raadinayo xal waara oo lagu yareynayo khilaafaadka iyo in la helo hannaan wada-shaqeyn oo horseeda xasillooni iyo horumar.

Waxaa kale oo la gorfeynayaa caqabadaha horyaalla geeddi-socodka arrimaha siyaasadeed iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ku dhisan wada-hadal iyo isu-soo dhawaansho dhinacyada kala duwan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay isgoyska la taagan yahay, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News