Shirkii Nairobi oo qal-qal ka abuuray xukuumadda iyo madaxtooyada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxay u aheyd habeen ay qal qal gashay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana aad looga dooday War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Mucaaradka ee ku soo gaba-gaboobay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Koox Saraakiil ah oo katirsan Villa Somalia oo heshay War-Murtiyeedka ayaa la sheegay in ay daabacdeen kadibna ay ka doodeen qodobadii la soo saaray, iyadoo ay qireen in Shirka uu ahaa mid Qarax wayn oo siyaasadeed, kaas oo ka dhan ahaa Dowladda Soomaaliya laguna soo aadiyay waqti aad u adag.

Xubnahaan oo ay ku jiraan Siyaasiin hore oo xilal soo qabtay ayaa isla qiray in Beesha Caalamka ay shirkaan wax ka abaabushay aadna ay uga warqabtay. Sidoo kale waxay ku tilmaameen Olalo waqtigoodii laga soo hormariyay oo lagu duminayo Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Xubnahaan ay cadeeyeen in uu jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayna taasi fududeysay in ay ka faa’ideestaan Siyaasiinta Mucaaradka ah. Arinta ayaa u muuqata in labada dhinac oo Siyaasadeed oo waliba aad u adag ay ku furantay Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay Saqdii dhexe kulan deg deg ah arintaan ka yeeshay waxaana kulankaasi ka qayb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiin kale iyadoo la isku raacay in la soo saaro Guddi ka shaqeeya sidii loo soo bandhigi lahaa wax ka duwan qayla dhaantii ka soo baxday Shirkaasi.

Wali ma jirto wax go’aan ah oo la isku raacay hayeeshee waxaa wali socda doodo Shirkaan ku saabsan. Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee Xukuumadda taageersan ayaa shirkaan u arka weerarkii ugu adkaa oo ay mucaaradka ku soo qaadaan bilooyinkii la soo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com