Shuruudo ay ka mid tahay saxiixa 20 xildhibaan oo lagu xiray musharaxiinta madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online)– Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta xilka madaxweynaha ee doonaya inay tartamaan.

Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha.

Qodobada sagaalka ee laga doonayo murashax kasta ayaa kala ah:

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada;.

Ugu danbeyntii guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa faray murashaxiinta inay soo dhameystiraan dhamaan shuruudaha kor ku xusan, si loo guddoon siiyo shahaadada murashaxnimo.