Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad yar oo ka dhacday Xarunta madaxtooyada ayuu maanta xilka kula wareegay Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Xasan oo shalay si aqlabiyad leh u helay codka Baarlamaanka.
Cumar Cabdirashiid oo ahaa Ra’isulwasaarihii hore ayaa maanta xilkaas si rasmi ah ugu wareejiyey Ra’isulwasaaraha cusub sidoo kalana wuxuu gacanta ka saaray dukumintiyo iyo waxyaabo kala duwan oo yaalay xafiiska.
Ra’isulwasaarihii hore ayaa sheegay in ay wax badan qabatay xukuumadiisa intii ay jirtay, waxa uuna u rajeeyay xukuumada cusub wax qabad iyo in ay ka gudubto caqabadaha adag ee soo food saari karta sida uu hadalka u dhigay Cumar Cabdirashiid oo halkaas qudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey.
Ra’isul Wasaaraha cusub Xukuumada Soomaaliya ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya iyo golihiisa Wasiirada shaqada fiican ay soo qabteen, waxa uuna sheegay in howsha halkeeda ay kasii wadi doonaan hadduu Alle Idmo.
Shalay ayey aheyd markii Ra’isulwasaaraha cusub uu helay codka aqbaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo aysan jirin xataa xal Xildhibaan oo diiday ama ka aamusay codeyntaas waana arrin ay aad usoo dhaweeyeen shacabka Soomaaliya maadaama halkaas laga dareemay inuu xiriir fiican ka dhaxeeyo Madaxweynaha iyo golaha Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

