Sidee ayuu u dhacay dilka taliyihii Saldhiga degmada Warta Nabada ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo loo geystay taliyihii saldhiga degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

Xoghayaha maamulka degmada Warta Nabadda Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay agagaarka saldhiga degmada ku dileen taliyihii ciidanka booliska ee degmada Warta Nabadda.

Macalin Daahir oo ahaa taliyaha maanta la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidamada booliska ugu firfircoon, sida uu sheegay xoghayaha maamulka degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir.

Taliyaha la dilay ayaanan wadan wax ciidan ah markii dilka uu dhacayay, waxaana la sheegay inuu watay gaadiidka yaryar, waxaana kooxaha hubeysan ay la dhaceen bastoolad xili uu ku dhawaa saldhiga degmada.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta sida dhici jirtay, waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay.

Maamulka Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ee degmada ay bilaabeen baaritaanka dadkii dilka ka dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com