Sidee Guddoomiye Jaamac Muqdisho ugu maamuuseen dalal Carbeed? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka qeyb-galay kulan qado sharaf ah oo ay ku maamuuseen safiirrada dowladaha Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka maamuuska ah ayaa waxaa soo agaasimay Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Danjire Fadl Ali Ahmed Saleh.

Kulanka qado sharafta lagu maamuusay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Yemen ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye Jaamac waxaa ku wehliyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale qado-sharafta ay ka qeyb-galeen safiirrada dowladaha Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka Carabta, iyadoo labada dhinac ay fursad u heleen inay ka wada-hadlaan muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Guddoomiye Jaamac ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, isagoo u sheegay inuu ku sugan yahay dalkiisa labaad ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ammaanay go’aanka dowladda Aljeeriya ee dib loogu furayo safaaraddeeda Muqdisho, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka tarjumaysa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Guddoomiyuhu wuxuu rajo ka muujiyay in dalalka kale ee Carabta ee aan safiirro u joogin Soomaaliya ay ku daydaan Aljeeriya, si ay u xoojiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho, gaar ahaan iyadoo caasimadda Soomaaliya uu ka jiro horumar dhinaca amniga iyo xasilloonida ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu xusay in deegaan ku noqoshada Muqdisho ay gacan ka geysan doonto xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo horumarinta iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News