Sidee loo dilay horjooge Cabdullaahi Odowaa oo muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka tirsan ciidamada Macawiisleyda deegaanka Wargaadhi ayaa galabnimadii Jimcihii deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jirata Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku khaarijiyay horjooge muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, kuna magacdheeraa (Faadhuud) ayaa 57 jir ahaa, wuxuuna kooxda argagixisada ah ku biiray sannadkii 2009, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud.

Faadhuud ayaa kooxda u qaabilsanaa sahminta goobaha ay ka samaystaan fariisimaha qarsoon iyo waddooyinka ay u adeegsadaan abaabulka weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Aqoonta uu u lahaa juqraafiga gobolka ayuu u adeegsan jiray hagidda maleeshiyaadka iyo u fududeynta falalka argagixisada ee ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in si gaar ah ugu lug lahaa tilmaamidda dhul-kaymeedka ku xeeran Cali Gaduud oo ay ka mid yihiin Juxaay, Warta Dibisamatar, Bacadka Laandheer iyo Quracda Nayleey, halkaas oo uu kooxda u sahmiyay meelo ay ka qotaan godad iyo gabbaadyo qarsoon.

Goobahaas ayaa la sheegay inuu u xushay in ay yihiin dhul hawd ah oo ay adag tahay in la gaaro, kana fog shacabka iyo waddooyinka caadiga ah, si maleeshiyaadka kooxda ugu dhuumaaleystaan ugana abaabulaan dhagartooda.

Howl-galka lagu khaarijiyay horjoogahan ayaa waxaa fuliyay laba geesi oo ka tirsan ciidamada deegaanka, kuwaas oo xeelad ugu dhowaaday, kaddibna ku dilay hub gacmeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa khaarijinta Faadhuud ku tilmaantay mid dhabarjab ku ah shabakadda Shabaab-ka ee sahminta iyo hagidda weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada Cali Gaduud iyo dhul-kaymeedka ku xeeran.

- Advertisement -

Read more

Local News