Sidee loo qariyay xogta qaraxii ka dhacay Zoobe?

Dhacdooyinka aan weli laga daba-tegin haddana reebay khasaaraha nafeed iyo dhaqaaleba ayuu uugu weeyn yahay qaraxii Zoobe ee muddada sannadka iyo dheeraadka ah laga joogo.

Waxa uu ahaa masiibo hal mar saamaysay dad gaadhaya Kun qof, kuwaas oo lahaa dhimasho iyo dhaawac, weliba intaas waxaa dheeraa burburkii hantiyeed ee halkaas ku dhammaaday. 

Waxaa uu ahaa dhacdo saamayn weeyn ku yeelatay guud ahaan soomaali, hadal haynna ku abuurtay caalamka iyo dhammaan war baahinta caalamka. 

Waxaa uu tusaale dhammaystiran u noqday gumaadka iyo burburinta lugu hayo soomalida taas oo aan lahayn meel loo raaco, amase aan daboolka laga qaadayn cidda ka dambaysa xasuuqaas beni’aadmnimo. 

Qaraxii Zoobe waxa uu noqday midkii uugu weyna ee ka dhaca dhulka korkiisa kaas oo hal meel lugu dhufto, waxaa la xusay in uu ahaa qarax loo farsameeyay si arxan-darro ah oo weliba ay ku dheehantahay khibrad iyo kiimiko cusub oo saamaynteeda leh. 

Dhicitaankii qaraxa Zoobe waxa uu abuuray shaki weeyn kaas oo ay indhaha ku wada eegeen howl-wadeennada caalamku, waana qaraxa aan weli cidi sheegan, waana qaraxa illaa hadda aysan Al-Shabaab qiran, waana qaraxa ay ka qayb-qaateen baadhayaal iyo sirdoonno caalami ah. 

Qaraxa Zoobe maxay Al-Shabaab u sheegan weyday?

Sheegashada fallalka amni darro ee badhtilmaameedka ah marka ay dhacaan waxaa inta badan lugu tiriyaa in ay geystaan Al-Shabaab amase ay qirtaan isla markaaba. 

Balse qaraxa Zoobe ayaa sidan ka duwanaa waana qaraxa ilaa hadda aysan kooxda Al-Shabaab qiran.

Sababta ay Al-Shabaab uuga gaabstay qarxan ayaa ah in uusan qorshuhu u fulin sidii loo rabay kaas oo uu badh-tilmaammeed kiisu ahaa wax yeellaynta garoonka “Aadan Cadde.” 

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa dukaammana ku lahaa rag ka tirsan Al-Shabaab taas oo sababtay in iyaga naftigoodu ay isku khilaafaan isna weydiiyaan cidda amartay fulinta qaraxa. Ugu dambaynna ay go’aansadeen in aysan sheegan qaraxaas fulintiisa. 

Dhimashadii iyo wax yeellayntii dadkii badnaa iyo hantidoodii oo noqotay mid dareen nacayb ah oo dhammaystiran ku abuurtay ummadda soomaliyeed ayaa iyana Al-Shabaab ay uuga gaabsadeen sheegashada qaraxaas, waana hab kaarto oo ay nacaybka faraha badan ee loo qaaday ay ku khasabtay in aysan afka soo marin waxa dhacay, maadama ay Al-Shabaab tahay koox dadka ku khalda fikrado aan jirin oo ah jihaad balse maalintaas ay caddaatay in uusan meesha jirin wax jihaad ah, halkaas ay ku caddaatay danaha Al-Shabaab. 

Halkee ku dambeeyeen xoggihii baadhayaashu?

Khasaarihii iyo burburkii badnaa ee qaraxa Zoobe waxa uu noqday mid la wada dareemay culayskiisa, noqdayna mid ay ku habbabareen (argagaxeen) waddamadii shisheeye ee ay soomaliya u ahayd fadhiisimaha, kuwaas khatartii qaraxa ku sifeeyay masiibo ku soo wajahan shaqalahooda fadhiya soomaliya, waana sababta keentay in ay qaraxan ka qayb-galaan baadhayaal kala duwan oo uu midkasta doonaayo in oogaado cidda soo maleegtay masiibadan ka duwan kuwii hore loo bartay. 

Shaki kuma jiro in qaraxa Zoobe uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, waxaana caddaatay hal-mar oo keliya in ay alshabab tahay xijaab ay ku dhuuntaan waddamo is doonaya iyo weliba kuwo aan oggolayn dhaqaaqitaanka soomaliya. 

Baadhitaanka xogta qaraxa waxaa ka qayb galay dhowr sirdoon oo ay ka midyihiin sirdoonka ciidanka Maraykan qaybta xafiiska “Africom” kuwaas oo ah laan hoos-tagta hay’adda amni qaran ee CIA. 

Waxa ku weheliyay sirdoonka waddanka Qatar iyo dhowr sirdoon oo iyagu si goonni ah u baadhay. 

Ugu dambayn sirdoonka Africom ayaa helay xog dhammaystiran oo caddaynaysa qaraxaas cidda ku wehelisay kooxda Al-Shabaab iyo weliba cidda ka geysatay farsamaynta qaraxii halista badnaa. 

Natiijada xogtan oo ay waajib ahayd in dib loogu soo celiyo Soomaaliya gaar ahaan hay’adda nabad-sugidda qaranka ee (NISA) ayaan dib loogu soo celin ka dib markii xogtaasi ay noqotay mid xasaasi ah oo ay ku lug yeelatay waddan weeyn oo adduunka qiimo ku leh, ugu dambayntiina uu xafiiska Africom xogtaas hor-dhigay waddankii baadhitaanka lugu ogaaday. 

Ugu dambayntiina soo bixitaankii xogtaas lugu bedeshay dhaqaale lacageed iyo shardi ah lama taabtaan. 

Kiiska Zoobe iyo tuhunkiisu waa mid ay ka dheregsantahay hay’adda sirdoonka soomaliya NISA, balse aysan hayn hay’addu xog dhammaystiran oo  wadata caddaynteeda taas oo la hor-geeyn karo cidkasta oo dembigaas lug ku lahayd. 

Sharci ahanna hay’ad amni qaran ma faafinkarto xog aysan ka hayn caddayn la hor-dhigikaro gar-soorka caalamka. 

Qorshaha ay dejiyeen cidkasta oo dembigan ku lug lahaydna ayaa ah haddii sirdoonka soomaliya uu ku eedeyo falkii dhacay, in iyana ay caalamka dhahaan xogtaasi in ay ahayd mid khaldan maaddaama sirdoonka soomaliya ay yihiin kuwo hoseeye khibrad aqooneed iyo qalabba, waana halka arrin ay ku xisaabtamayaan ciddii qaraxaas ka dambaysay. 

Waddanka xogtan gacanta ku dhigay oo ahaa mid awoodleh dhinaca sirdoonka iyo ciidankaba, xogtaasi waxay noqonlahayd mid la hor-geeyo caalamka. 

Balse nasiib darro waxaa xogtaas ay noqotay mid dano gaar ah lugu fushado iyo dhaqaale. 

Waana xogta ay isku qaabka yihiin dilkii weriyihii sucuudiga u dhashay ee lugu dhex dilay Turkiga, kaas oo aan ilaa hadda xogtiisa bannaanka iman, balse sirdoonnadu ay isku dhaafsadeen dano kale oo maslaxaddeed. 

Qaraxii Zoobena waxa uu ugu dambayn noqday mid dano-gaar ah lugu hoos-qariyay. 

Waxa kale oo jira dhawr xogood oo ay gacanta ku dhigeen waddamo shisheeye balse aan xogtoodii dib loogu soo celin Soomaliya. 

Waana arrin caddaynaysa in suuqa xoogaha amni xumo ee soomaliya markii la ogaado uu noqdo mid la isku rikaarteeyo( madax furasho lacag la isku weydiisto).

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com
Hyderabad, India 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid