Sirdoonka ajnebiga ah iyo sababta ay u dhammaan la’yihiin qaraxyada iyo dilka ka socda Muqdisho

Halkani waa Muqdisho, waa magaalo muhiim iyo qiimo goonni ah uugu fadhida waddamada quwadaha caalamka ah iyo weliba kuwa soo kacayaba.

Waa magaalo lugu tartamo sidii loo degilahaa, iyada oo aan tartankaas intiisa badan mudnaanta hibaynta la siinnayn dawladda Soomaaliya, balse laga hibaysto amarna la weydiisto qolyaha markaas uugu tamarta roon ee markaas ka hawl-gala.

Waxaa jira is xulafaysi dhexyaal qaar ka mid ah waddamada shisheeye ee ka hawl-gala Muqdisho kuwaas oo iyaga dhexdooda ay marmarka qaarkood dhex marto dagaallo qarsoodi ah iyo weliba is-jaajuusid, taas marmarka qaarkood bannaanka la isula soo baxo saamaynna ku yeelata bulshada Soomaaliyeed.

FG: Sideebay waddamadaasi uugu dhex dagaallamaan Muqdisho?

Dagaalkan ayaa ah mid qarsoon kana socda daaha dabadiisa waana dagaalka la isku sigo marmarna naftaba la iskuba dhaafiyo, waa dagaalka la isu adeegsado qaraxyada iyo weerrada oo lugu qaado xaruun waddan leeyahay ama kolanyo ka soo jeedda waddan taas oo ay weerrarto koox wadata magaca Alshabaab balse ay yihiin koox la soo abaabulay dhaqaale ahaan iyo weliba siin xogeedba, waa dagaallada marka ay dhacayaan saamayn ku yeesha bulshada Soomaaliyeed iyo weliba hantidooda, waa dagaal marmarka qaarkood aan la kala guulaysan, waa dagaal ka dhigay Caasimadda iyo guud ahaan waddanku in uu noqdo meel aan lugu guulaysan xaaladda ka socota.

Xaalladdahan ka taagan magaalada Muqdisho waa kuwo khibrad iyo tababarro u ah dhammaan saraakiisha shisheeye iyo weliba hawl-wadeennadooda.

Muddo laga joogo 10sano Muqdisho waa magalaada lugu tilmaamay mid uu caalamku illaaway sida lugu Qoray wargeeyska  “The guardian” ee ka soo baxa waddanka ingriiska sannadkii 2009 qoraalkan oo uu magaciisu ahaa “one week in hell – inside the city the world forgot”

Markaad daba-gasho xogaha  muddo ka hor laga qoray  Muqdisho iyo sida ay isu beddeshay xaaladdu waxaad ogaanaysaa in ay dhammaan waddamadani yihiin kuwo Muqdisho uugu soo kala tartamaaya hal sabab ah uun.

Muqdisho markay dhulka taallay oo dadku ay ahayeen kuwo intan ka liita amaa xaaladdu ahayd mid kobcaysa ma aysan helin dhammaan waddamadan maanta ku sugan.

Maanta Muqdisho waa xero sirdoon oo caalammi ah, waana goobta ay ku suganyihiin sirdonnada uugu halista badan caalamka, kuwaas oo ay u jeeddadoodu tahay khibrad korrorsi iyo is hagar-daamin dhexdooda ah.

Waana maalagada keliya ee ay ka howlgalaan sirdoonno ay ka mid yihiin:

CIA – Sirdoonka waddanka maraykan
MI6 – Sirdoonka waddanka ingriiska
SISMI – Sirdoonka waddanka Talyaaniga
NIS – Sirdoonka waddanka Norwey
MIT- Sirdoonka waddanka turkiga

Sirdoonka waddanka Qadar, Imaraadka, Sucuudiga iyo weliba waddamao kale oo carbeed.

Waxaa intaas dheer kuwa waddamada Africa qaybtood iyaga oo weliba garabsanaya ciidammadooda.

Waxa kale oo jira sirdoommo badan oo annan xogtooda saxda ah hayn hadda balse ah kuwo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Markii aynu eegno awoodda ciidan iyo agab ee taal Muqdisho iyo gudaha soomaaliya, waxaa kuu caddaanaysa xaalladda Soomaaliya ka jirtaa marnaba in aysan waddamadani diyaar u ahayn sidii waddanka xal loogu soo dabbaalilaha.

Mana jiro Nin iska xidhaya garoon uu ku ciyaaraayo, Muqdisho iyo Soomaaliyaba waa goroon qiimo uugu fadhiya waddan kasta oo rabaa khibrad ciidan iyo sirdoon, suurto-galna ma aha in ay waddamo soo af-jaraan xaaladda tababar ee socota.

Tiro ahaan Al-habaab waxaa lugu qiyaasay markii uugu dambaysay 7,000 ilaa 9,000 oo dagaalyahan, waana warbixintii uugu dambaysay ee ay samaysay 22 December 2017. BBC Qaybteeda Africa iyadda oo xiganaysaa sirdoonno caalammi ah, qiyaas ahaan manta Alshabaab waa ay ka yartahay intii welibana waa ay ka awood ciidan liidataa, dhulkii ay haysatayna intii badnayd ma haysato, haddaba sow wax fudud ma aha in la soo af-jaro tiradaas yar isla markaasna ciidamada baaxaddaas leh ay xakameeyaan xaaladdan?

Marnaba ma beenninayo in ay jiraan waddamo ay ka go’antahay nabad soo dabbaalidda Soomaaliya iyo sidii xal loogu helilahaa meelo ay uugu muhiimsantahay caasimadda iyo meelaha kale ay ka jirto dhibtu.

Waddamadan oo uu ka mid yahay waddanka Turkiga oo garabsanaya muddoyinkii dambe waddanka Qadar ayaa ah kuwo ku heellan sidii mar uun meesha looga saarilaaha dhibaatadaas.

Laabadan waddan ayaa iyaga naftigoodu waxa ay goonni uuga baxeen waddamadii kale taas oo dhalisay in la colaadiyo isla markaasna gudaha Soomaaliya waddamadani kula kulmaan cago-juglayn, taas oo ugu dambayn laga dhigay mid heer caalammi ah oo ay waddamada qaarkood xidhiidhkoodu xumaado iyada oo loo yeelaayo wejiyo kale.

Muqdisho Waxaa ka dhex socdaa waa mid caalam u dhexaysa taas oo gallaafanaysa bulshada Soomaaliyeed, waa arrin u baahan go’aan qaadasho ay samayso dawladda Soomaaliya, sidookale marka arrimaha caynkan oo kale ah bannaanka laga dhigaayo waddamo ku tamashlaynaayay nabadda Soomaaliya waxa ay leedahay culayskeeda.

Waddamada qaarkood maanta lagama karo ka baxa Soomaaliya oo waxa ay dhammaantood ku doodayaan in ay nabad illaalin u joogan taas oo ay ka baqayaan in ay Alshabaab caalamka ku faafto, waana been aan raad iyo sal lahayn.

Dhibta ka jirtaa Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waa mid ay gacanta ku hayaan quwado xifaaltan ka dhexeeyo, waana dagaal qarsoon oo marmarka qaarkood lugu Dabar-jaraayo qofkasta oo waddanka rajo ka leh isla markaasna u kabo-gashta toosinta dadkiisa iyo dalkiisa.

Ma dafiraayo in ay jiraan qorshayaal lugu qoondeeyay in lugu Dabar-jaro dhalinyarada mustaqbalkoodu muuqdo

Muqdisho waxa ka socdaa waa qorshe guud oo qaarkood innaga ayaa sabab u aha halka kuwo kalena la inoo dhigay.

Si dadka iyo dalka loo badbaadiyaa waa in la helaa qorshe guud oo aynu ku midaysannahay ama ugu yaraan ku baraarugsannahay si dhibaatadan iyo dabinkan la inoo dhigay aynu uuga badnaadno.

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com
Hyderabad, India