Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Liibaan Al-Cadaala ayaa maanta isagoo midnimo doon ah lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii uu ka tanaasulay aragtidii gooni-isu-taagga Somaliland.
Xildhibaanno, Senatorro, agaasimeyaal, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb-galay soo dhaweyn heer sare oo maanta Liibaan loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in soo laabashada Liibaan Al-Cadaala ay bilow u tahay siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah oo ay kusoo dhaweyn doonaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu ku jiro Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), sida uu hadalka u dhigay.
“Liibaan kusoo dhawaaw caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa la dhihi jiray mudul ninkii dhisaa ka wayn mar dhowna waxaan sugi doonaa Cabdiraxmaan Cirro oo aan isagana soo dhaweyneyno. Waxaan leenahay kala go’go’ iyo kala qaybsanaan horumar lagu gaari waay,”
ayuu yiri Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar.
Sidoo kale, Xildhibaan Caasho Koos oo kasoo jeeda Waqooyi Galbeed ayaa si weyn u bogaadisay go’aanka Liibaan, waxayna sidoo kale rajo ka muujisay in mar kale ay dib u midoobi doonaan Muqdisho iyo Hargeysa oo hadda kala maqan muddo ka badan 30 sanno.
“Calanka inta aan koonfur ka qaadno ayaa Hargeesa ka dajin doonaa dhiig isagoon daadan ayayna midnimada dhici doontaa,” ayay tiri Xildhibaan Caasho Koos.
Intaas kadib Liibaan Al-Cadaala ayaa u mahadceliyay dadka soo dhaweeyay, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Muqdisho, isaga oo si weyn u boggaadiyay amniga iyo horumarka haatan ka jira caasimada dalka.
“Halkan waxaa weeye magaaladii caqliga iyo maskaxda ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay gashay, Soomaaliduna waa dad is-jecel dal iyo dibad meel kasta oo ay joogto,” ayuu yiri Liibaan Al-Cadaala.
Dhanka kale wuxuu duray xiriirka iyo iskaashiga ay Somaliland la bilowday maamulka Israa’iil, kaas oo ay horay u diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Israel iyo cadow ayaa qabsaday halis ayay ku jirtaa, markaan hadlaayo hareeraha ayaan feerin jiray balse maanta anoo xor ah ayaan hadlayaa,” ayuu sii raaciyay.
Al-Cadaala ayaa ahaa siyaasi firfircoon oo si weyn uga muuqan jiray doodaha siyaasadda ee Somaliland iyo kuwa arrimaha bulshada ee deegaannada maamulkaasi.

