Siyaasi sheegay inuu yahay madaxweyne Somaliland + C/Weli Gaas oo casuumay

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland uu gaaro Siyaasi sheegtay inuu yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland.

Siyaasigan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Somaliland, waxa uuna Garoowe u aadi doona howlo shaqo, sida uu sheegay.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Mustafe Maartin ayaa kasoo safri doona dalka Mareykanka,waxana marti galiyay maamulka Puntland.

Hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa marti galinta u sameeyay Mustafe Maartin, waxaana lagu wadaa inay kuwada kulmi doonaan Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Mustafe Maartin, ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay in Hoggaanka hadda ka jira Somaliland uu yahay mid ay hareereysay cadaalad darro, sida uu sheegay.

Dhinaca kale, sheegashada Mustafe Maartin ee hoggaanka maamulka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Hoggaamiyaha saxda ee Somaliland Muuse Biixi uu la kulmaayo mowjado mucaarad oo ay u abuureyso Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com