Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Axaddii ku qaabilay xafiiskiisa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, iyo Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda carruurta Soomaaliyeed.
Ugu horreyn kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo UNICEF ee ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan, iyadoo qayb ka ah hirgelinta siyaasadda qaran ee ilaalinta dadka rayidka ah.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii loo dhisi lahaa hannaan isku-duwan oo lagu soo tebiyo, lagu diiwaangeliyo, lagulana socdo eedeymaha la xiriira xadgudubyada, loona xaqiijin lahaa in jawaabaha iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladda Soomaaliya si sax ah loogu muujiyo warbixinnada khuseeya ee Qaramada Midoobay.
Waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay dardargelinta qorshe-howleedka qaran ee carruurta iyo colaadaha hubeysan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadla ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, isagoo xusay in ciidamadu ay u howlgalaan si waafaqsan siyaasadaha qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah.
Fiqi ayaa Qaramada Midoobay iyo UNICEF uga mahadceliyey iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale dib u xaqiijiyey sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso, si loo sii adkeeyo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan.
Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay weli ka jiraan colaadaha hubeysan, waxaana dhibaatooyinka ugu badan ay kasoo gaaraan dadka nugul, sida carruurta, haweenka iyo dadka da’ah ee ku dhaqan meelaha ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda, gaar ahaan dagaallada tooska ah.


