Dubai (Caasimada Online) – Safiirka Israa’iil u fadhiya Imaaraadka Carabta, Yossi Shelley iyo Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka, Mascuud Cabdi Cali ayaa yeeshay kulan ay uga wada-hadleen fursadaha ka abuurmay xiriirka cusub ee u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Israa’iil.
Shelley ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in kulanka lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dhinac, kaddib markii Israa’iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka Somaliland inuu yahay dal madax-bannaan.
Safiirka ayaa sheegay in wakiilka Somaliland uu si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee aqoonsiga Somaliland. Wuxuu tallaabadaasi ku tilmaamay mid geesinimo leh oo muhiim u ah dadaalka Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah.
Shelley ayaa sidoo kale shaaciyay in Mascuud Cabdi Cali uu u fidiyay martiqaad uu ku booqdo Somaliland. Safiirka ayaa xusay rajadiisa in dalal kale ay ku daydaan tallaabada ay Israa’iil qaaday, ayna Somaliland aqoonsadaan, inkastoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortagayso in dalal kale ku dhiiraadaan tallaabada Tel Aviv oo kale.
“Waxaan rajeynayaa in aan dhisno iskaashi xooggan oo aan ku horumarino xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Yossi Shelley.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Somaliland uu waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo uu doonayo inuu ku helo aqoonsi caalami ah, iyadoo xiriirro cusub la sameysanaysa dalal iyo dhinacyo kala duwan oo caalami ah.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda aqoonsiga Somaliland, waxayna waddaa dadaallo diblomaasiyadeed oo looga hortagayo in dalal kale ay raacaan tallaabada Israa’iil, iyadoo Muqdisho ku adkaysanayso midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

